Barnaamijka Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed (4) Cayaarta Hirwada
Barnaamijka Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed
(4) Cayaarta Hirwada

Hirwo waa nuuc ka mid ah ciyaaraha Jaanta iyo Jiibta leh oo ay dhaantada isku bahdayihiin

“Naa hirwaan ku aloosiyeynaaye
Allow hibadeennii noo keeneey!”
Hirwo waa mid ka mid ah cayaara dhaqameedka laga tumo, qaybo ka mid ah geygiga Soomaaliyeed, gaar ahaan galbeedka iyo qaybo ka mid waqooyiga. Waxa ay ka mid tahay cayaaraha ugu caansan mudda dheerna soo jiray, waana cayaar ay bulshadu aad u jecelyihiin. Hirwadu waxa ay la miisaan iyo meeris tahay badaha ay ka mid ka yihiin Dhaantada iyo Wiglada. Cayaartaan waxa ay leedahay meerisyo ka kooban hooris iyo hoojis sida boqorka maansada (gabay).
Hirwada waxyaabaha ay cayaaraha kale uga duwan tahay waxaa ka mid ah in aysan lahayn waqti u gaar ah oo la tumo waana cayaar xilli walba ay tumaan barbaartu. Cayaartaan erayadeeda ama miraheedu waxa ay ku dhisan yihiin gole-kafuul, sidoo kale waa cayaar erayadeeda ay ragga iyo dumarku u qaadaan qaab talantaalli ah. U fiirso tusaalahaan:
Ragga: “Hirwooy adigaa habeenka madoow” hoojis
Dumar: “War horweynki lagaaga soo gudayeey” hooris
Sida ka muuqata tusaalahaan sare waxa ay na tusinaysaa in hilowga, hamuunta iyo harraadka loo qabo dheelista cayaartaan uu geel-jiruhu haleelada iyo hurweynkaba u layici jiray. Waxyaabaha ay cayaartaan irkigga iyo alhuumadda ku tahay waxaa ka mid ah in halka meeris ee hirwada ah loo kala qaadanaayo rag iyo dumar! Waxaana xusid mudan in raggu marwalba hoojiska leeyahay halka habluhuna qaataan hooriska.
U fiirso tusaalayaalkaan;
1. Tusaalaha koowaad;
Rag: “Hirwooy adigaa habeenka madoow” hoojis
Dumar: “War horweynki lagaaga soo gudayeey” hooris
Rag: “Naa habeenkii badnaa barbaa harayee” hoojis
Dumar: “War inoo soo bilaaba beer lulayeey” hooris
Rag: “Naa sidii dhigmaroodi la isma dhidbee” hoojis
Dumar: “War dhexdiyo dhabarkaa la luudshaayeey” hooris
Rag: “Naa haweeyooy ma hooyadaa bilanbaa” hoojis
Dumar “War i tiri ninba heella ha u tumineey” hooris
2. Tusaale labaad;
Rag: “War hablahayagu waa daruurta cirkiyo” hoojis
Dumar: “Oo inana dayaxda socdaa nahayeey” hooris
Rag: “Naa dhawaaqeygu waa mid dhuuni noqdee” hoojis
Dumar: “U dhadhemi sida dhayda xoolahayeey” hooris
Rag: “Naa hablihii kacay qaar hawaa lumisoo” hoojis
Dumar: “Oo xilkii hooya waa ka heermeeneey” hooris
Rag: “Hillaacbay run moodayaan hodayoo” hoojis
Dumar: “War hebliyo hebla hiilka sugimaayeey” hooris
Rag: “Naa hankaagu ka weeyn hinnaasahayeey” hoojis
Dumar: “Oo sidaan hubo waad hal-adag tahayeey” hooris
Rag: “Naa nin aan sabsabkiyo salaaxa aqoon” hoojis
Dumar: “Oo sariir kula seexan waa siliceey” hooris
Cayaartaan oo saan tusaalayaalka ku aragnayba ku bilaabanaysa hal meeris ayaa waxa ay ku bilaabataa erayo laga dheehan karo goorta cayaarta la tumaayo ballan ma ahan balse waa caadadeed in mar walba laga dheehdo waqtiyo sida ka muuqata tusaalahaan hoose;
“Hirwooy, naa hirwooy
Goor habeena soo dhacayeey!”
Intaas ka dib waxaa soo gelaya raggii meesha ka dhawaa iyaga oo jiibta kor u qaadaya si hablaha aagga laga filayaahi codkeedu u gaaro, waxaana sidii ku soo galaya hablihii markii ay maqleen jabaqda iyo jiibta ragga iyaga oo rucleynaya. Waxaana xusid mudan in waalidku inta badan gashaantiyaha ka celi jireen cayaartaan hirwada, maadaaba aan waalidku jeclayn in hablahoodu aadaan cayaartaan, dhaqankana ay aad ugu dhegganaayeen ayaa isaga oo xiddiggu la dardaarmaya gabdhihii buu leeyahay;
“Haddii ballantii dhabkaa tahay
Biyaan doonin been ku soo sheeg!”
Markii barbaarka oo ah hoobalka cayaarta ku luuqaynayaa arko hummaagga hablihii oo soo hulluban ayuu ku sii billaabayaa;
“Markaan ka rugsiiyo meel rawaxeey
Gashaantimo rooraya imaneey!”
Markaas baa dhextaal looga dhigayaa hadba hooriska u denbeeya, waxa ay ka daba dhahayaan “war biyaan doonin been ku soo sheeg” oo macnaheedu yahay haddii aad adigu tahay qof ballanta dhawraya waalidka iska soo sir kuna dheh biyo ayaan doonayaa si aan hirwadu nooga baaqan, waxaana mar qura la isla haleelaya codka jiibta iyo jaanta, waxaana markaa qaadanaya gashaanti iyada oo u sheegaysa in ballantoodii galabtay wax iska beddeleen, ogaysiinaysana in aan waalidku ogayn oo ay dhuumasho ku yimaadeen waxa ay leedahay sidaan;
“Sakhaawe ragoow sidii ma jirtee
War hooy ha la saama gaabsado ee!”
Sida aad ka aragtaan meerisyada danbe ee cayaartaan qaabka erayada waa ay uga duwan tahay meerisyadii hore oo markaan danbe waxa ay ragga iyo dumarku kala qaadanayaan laba meeris oo weydiin iyo war celin ah, halkaan waxa aad ka garanaysaa in hirwaddu ay qaab gole-kafuul ah ay isku waydaarsadaan dhallinyaradu, iyada oo mid ba mid ka kale ku baaraayo garashadiisa curis iyo gu’giisa aqooneed.
W.D. Cabdiweli Maxamed Xaashi ‘Xawraay’

Leave a comment