Suugaan

Suugaantu waa hibo, higgaad-barasho iyo hal-eegid ku gaarsiiya haybad, haddii aad habsan iyo hufnaan u adeegsato, oo aad hanuunin, hilin iyo hogotus iyo hagaajin hilaadini ku xiran tahay ku qotomiso.

Dhanka kale, waxay ku dhaxalsiisaa haydaaro, haddii aad habsilloon iyo u adeegsato sandareerto helid, oo aad hafar, handadaad, colaad hurin, haybsooc iyo aad ku dhaafsato hambo quureed.

Abwaan Faarax Shuuriye ayaa gabaygii; “Aasaas” meerisyo kaga cabbiray aragtidan sare, wuxuuna yiri:

“Abwaankii ilgayr ka hadla ee, eray gobaadeed leh
Ee lagu aflaxay xaajaduu, idhamaduu xaarey
Iyo uur mariidlaha doqona, kala ilwaad roone!
”

F.G: fadlan gurigaaga joog, oo tixgeli talooyinka saraakiisha caafimaadka.

Mahdin.