AXMED GINDHISH (1810 – 1897) Q2aad W.Q. Cabdalla Qaasim Daamey

AXMED GINDHISH (1810-1897) Q2aad:
MAANDHOOYINOW HEE:

Ka gadaal dirirtii Boodboode-Arille oo lagu hilaadiyo 1780ki, Sida la wariyo waxa ay qabiilka Cayr heleen boqol sano oo nabad ah oo aano mooyee aysan dhexdooda is argoofin.
Haddaba Hilaadda 1880ki nin Murusade ahaa ase caano nuug (gabari dhashay) iyo inan la-yaal (gabar ka qaba) intaba la ahaa jilibka Habar-aji ee Cayr ayaa waxaa waran uu la iishay oofka jaray reer Ayaanle Cayr. Kol haddii loo gogol dhigtay waxaa sida la wariyo Ayaanle ka soo yeeray xifaalo tiri “Dhurwaa miranaya mooyee aadane indhaha ma aynaan saarin”.
Habar-aji waxa ay tashi dabadeed kolkooda nafta dhaafiyeen nin sooyaal haya-yaalka qaar ay magaciisa ku sheegaan Ina-Sangooyo oo Marreexaan ahaa ase caano nuug iyo inan la-yaalba la ahaa reer Ayaanle. Kolkoodiina waxa ay Habar-aji ku kalaameen “Jinni mooyee qofba ma aynaan qur jarin”.
Waa dab uu Iblays afuufayo’e, Ayaanle waxa ay hal galab warmaha ku boobeen sagaal wiil oo qooruhu ka quluc leeyihiin oo carraabinaya Lo’adii Habar-aji. Dhulka wixii dad joogay ayaa la anfariiray eelka dhacay, horay looma-arag ayeyna ku noqotay cirroolihii carriga joogay.
Kol haddii daawo la waayey ayaa la doonay Axmed Mahdi Aadan (Axmed Gindhish) oo berigaa ahaa oday laga talo beegto iyo abwaan carriga ka sheegganaa, kol hadduu xigtonimo iyo waayo aragnimo kulansaday ayaa gogoshii looga guntay erayadan uu kaga digayey balada soo qoordhiibaneysa, wuxuuna yiri:
Xalay baan babay
Misna waan babay
Gogoshaan ka baxay
Dhulkaan meel ka beertay
Samadaan kor u beegay
Wax baa iiga bidhaamay
Waa balaayiyo khayr
Beder* bay ku jireen
Waana is buubsanayeen
Mid baa soo badi doonta
Barbarkaas iyo bidixda
Yaa baldhaarkeedu ahaa
Kolba waa beladiiye
Sharteedii in la baajo
Ilaahey mawga baryaa
Oo ma u baahantihiin?
“Maya” ayaa la yiri oo labadii qolo cidna mag baa laga waayey cidna samir. Nin garta fadhiyey ase aanan ayihiisa sooyaal goobka ku helin, sida muuqata se Ayaanle ahaa ayaa laga sheegay:
“Godobta saddex baa ka talin karta, nin waa Maxamed Qaylshe oo Habaraji ah oo sagaal qoora madoobe ayaa ka maqan kamana samri karo lana siin maayo, ninna waa aniga oo haddii aan bixiyo sagaal boqol oo halaad sagaal boqol baa gaajo iiga baqtineysa, ninna waa Cawaale Afrax Yabaal oo yabadhaalo ah isaguna in ay tolku isku ba’aan ayuu rabaa oo wax iyaga la egi ay ka soo haraan”
Cawaale Afrax Yabaal oo garti ka maansooday fartana danqiyey boogtii tuhun isna beri yeelaya ayaa yiri:
Allow saymo soo doogtay
Sacabbo laguma dadi karo
Ilaahow sagaalkii ninna
Subax lama idlayn karo
Sed yar oo la kala qaatiyo
Calaw-samir ma la arkaa!
Gari alle ayey taqaan’e galabkaa dhanna waa ay diidday, col la isu soo dumi doono iyo warmo la is dari doono ayey filashadu ahayd.
Axmed Gindhish oo aan xigtadiisa ka quusan ayaa markale suugaan butaacay oo waxa uu mariyey gabaygii caanka baxay ee MAANDHOOYINOW HEE. Waxa uu Cayr u tusaaleeyey halisaha ku xeeran, kol ay tahay Miniliggii labaad oo gulufkiisu Harar soo gaaray iyo xabashi oo duullankeeda la filayey, kol ay tahay Keenadiid oo beryahaa Hobyo degay aabina ku astoobay, kolba dhan ayuu Cayr ka tusay hardankii jiray iyo hoyaad waagii dunida, waxa uuna mariyey gabaygan daawo raadinta ahaa:
Minankiini haddaad nin u heshaanba, adu un heerteene*
Haddaad boqol halaad haamisaan*, adu ham siiseene
Sagaalkii nimoo hoqobka tiil, waa Hiraab go’aye
Haruubkaad dhanteen, waxaa ekayd inad hambeysaane
Haad uma ekeyn, wiilashii halabta dheeraa’e
Ninkii lagu hiloobaba, naftaad hirig ka siiseene
Sidii Haramcas yaad wada cunteen, hororadiiniiye
War maandhooyinow hee, naftaan haayadeed wadaye
War geeri hadduu hulkamo, ee karkuba hoos u dami waayo
Wuxuu ku hakadaa, waa tagoog hilif* ku yaallaaye
“Hoo” baa u dhaxasha, wixii wax lagu hagaajaaye
Handabab yaad u taalliin, indhaha hal ugama jeedaane
Sidii hamajul-hamaj yaad dab shidan, hamag ku leedihiine
Xaggaa Adari* gaal hoor leh, yaa hoday islaankiiye
Haarweyn dariiqadi kasoo didday, waa lasoo hubaye
Hobyo Keenadiid baa degi, oon laga haruufeyne
Haweenkiisi buu u la mid yahay, Hirajiroo idil’e
Hadhow yaa Mareeg waxa la dhigi, haaman jiisamahe
Horseed buu ahaa, raggii mowdku ku hillaaye
Amxaaruu wuxuu hanti lahaa, haadda gabalkeede
Maandhooyinow hee, naftaan haayadeed wadaye.
“Maya” ayaa la yiri markale, qolana guluf mooyee gaabsi laga waay, qolana sagaal boqol oo halaad soo sooci diide.
Dirir ayaa la isu la tegey waxaana sooyaal warisku tabiyaa in gulufkaa dambe ay ku naf waayeen saddex boqol oo rag ah, arliga waxaa qubtay dhiig aan horteed iyo dabadeed toona daadan ase iskii u istaagay dib se waxaa loogu aayey eraya suugaaneedkii uu Axmed Mahdi Aadan (Axmed Gindhish) kaga digayey colaad iyo timaado lala ciishoodo.
Erayfur:
*Beder: tartan
*heer: goyn/dil
*haamin: laxaw-jecleysi.
*hilif: duug
*Adari: Harar
W.Q. Cabdalla Qaasim Daamey
Leave a comment