Barnaamijka: Dhige iyo Dhigane gorfeynta dhiganayaasha: ‘Ilays Af-Soomaali’
Barnaamijka: Dhige iyo Dhigane
Halbeegga: gorfeynta dhiganaha: ‘Ilays Af-Soomaali’ oo ay qortay Barbaariso Nimco Nuur.
Martida: Wiilo Daahir Xasan, Macallimad Sucaad M Cabdulle, Aqoonyahanad Laylo Isxaaq, Aqoonyahan Cabdinuur Daahir, Maxamuud Maxamad Maxamuud iyo Barbaariso Nimco Nuur.
Xiriirin: Wariye Sahro Ciidle Nuur
Cabdinuur Daahir oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay burburkii dawladdii dhexe sidii ay wax walba u saamaysay in uu afkuna u halakoobay. Waxa kale oo burburay sida uu sheegay hay’adihii u xilsaarnaa hormarinta afkeenna, taasna waxa ay sababtay in afafka qalaad awood ku yeeshaan waddanka taas oo meesha ka saartay hormarkii iyo hankii afka lagu qabay.
Cabdinuur waxa uu sheegay maaddaaba afku yahay aqoon u baahan barasho, in muhiimad gaar ah la siiyo in qof walba uu ku dadaalo qoraalkiisa iyo hadalkiisa toolmoonba, waxa kale uu uu xusay in afkeennu qatar ku jiro, oo ay hay’dda UNESCO ay sheegtay in uu dabargo’ayo afka Soomaaligu haddaan wax laga qaban.
Waxaa kale uu oo sheegay in goobaha waxbarashada iyo Xarumaha dawladdaba ay xil iska saaraan qoraalkiisana lagu dadaalo, waayo waa uu yiri; afkeennu af adag ma ahan oo waxa uu xariir la leeyahay afafka “Kushiitiga” waana af u sahlan xitaa ajaanibtu in ay wax ku qoraan.
Cabdinuur oo warkiisa sii watey ayaa sheegay in dhammaan shanta Soomaaliyeed afka Soomaaliga ay luuqadda kale barabixiyeen waxa uu na tusaale u soo qaatay Soomaalida NFD afkii Soomaaliga uu meesha ka saaray kan Sawaaxiliga iyo Dawlad degaanka Soomaalida oo iyadana afka ingiriisku awood ku yeeshay kaas oo af Soomaaliga burbur ku haya.
Waxa kale oo uu ku tiliyay in goobaha waxbarasha illaa heer jamacadeed lagu turjimo inta la awoodo xarumaha kalena waa in ay xil iska saaraan hormarinta afkeenna hooyo.
Barbaariso Nimco Nuur oo ah qoraaga buugaagta “Ilays af Soomaali” waxa ay xilweyn iska saartay af Soomaaliga, qoraal ahaan iyo hormarin ahaanba, waana qof wax badan u taagnayd u hiillinta afka iyo dadka Soomaaliyeedba.
Barbaariso Nimco waxa ay qortay laba buug; buugga ardaydu wax ka baranayso iyo mid layli u ah casharrada ay qaateen, kaas oo ardayda ka caawinaya aqoontii ay buugga kale ku soo barteen. Buugga dambe ee laylsku waa buug sare-u-qaadaya aqoonta, garaadka iyo xirfadda carruurta.
Dhammaan xeeladaha iyo qaabka loo diyaariyay waa kuwa si qotadheer looga fekeray iyada oo loo diyaariyay weydiimaale heersare ah, taas oo ardayda ka caawinaysa in ay xasuustaan, erayadii, weerihii, heesihii, sheekooyinkii iyo casharradii ay buugga Ilays ku soo qaateeen.
Barbaariso Nimco Nuur ayaa sheegtay sida uu buuggu ku gaaray heer in lagu daro manhajka waxbarashada dalka Finland, waxa ayna tiri: dalka Finland waxa waxbarashadiisa ay ku salaysan tahay siyaasad ah in ardayda walba la baro afka iyo dhaqanka waddankiisa, oo keenaysa, in ardada Soomaaliyeedna af Soomaaliga la baro, waxna lagu baro. Waxa kale oo ay sheegtay sababta ay u qortay oo ahayd, oo ahayd xilligii ay wax ka baranaysay in ay dhib kala kulantay barashada afka waxa ayna go’aansatay in ay qorto buuggan. Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay ku hanweyn tahay in waddanka looga dhigo qaab luuqaad ah, iyada oo qofkii raba taqasuska uu ku diyaarin karo iyo in loo dhigo ajaanibtu xiiseeysa af Soomaaliga, si ay uga diyaariyaan shaahado sida luuqadaha kaleba si madaxbannaan loogu dhigo waddanka Finland.
Waxa ay tiri Barbaariso Nimco waxa aan waqti ku bixiyay afka Soomaaligu in uu noqdo af la jaanqaadi kara afafka aqoonta ee waxbarashada si la mid ah waddamada awoodda leh ee aan u burburin sida waddankeenna iyo afkeennuba u halakoobay.
Maxamuud Maxamed oo ah ardayda wax ka barta waddanka Shiinaha ayaa isna sheegay in ardayda caqabadaha ka haysta aqoonta afka ay asal ahaanba ka soo bilaabatay dugsiga, waxa uu tusaale u soo qaatay in dugsiga hoose lagu baran jiray afka Soomaaliga, kan dhexena lagu baran jiray af Carabi, halka kan Serena ahaa af Ingiriisi, dhammaan intabu waxa ay ahaayeen afaf inta uu ardaygu baranayo waqti kaga lumo aqoontiina uusan sidii la rabay u qaadan, waayo in uu aqoonta barto waxaa ka horraysa in uu afka ay ku baxayso barto.
Waxaa kale oo uu Maxamuud sheegay in afka qalaad ee ardayda lagu cadaadinayo baraha dhigayaahi uusan aqoon durugsan u lahayn taas oo iyaduna ahayd caqabad ardayda Soomaaliyeed la kulmaan waqtiga dugsiyada ay baranayaan, waxaa kale oo uu tilmaamay in ay adkayd isfahanka ardayda luuqadaha qalaad wax ku wada baranaayay, waayo midka carabigu waxa uu baranaayay taariikh iyo adab carbeed, halka kan ingiriisiguma baranaayay mid ka beddelan loo dhigayey.
Wiilo Daahir oo ah qoraa sidoo kalena ka mid ah Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye waxa ay ka hadashay baridda, barbaarin iyo baarista afkeenna hooyo;
Wiilo waxa ay sheegtay in barashada afku ay tahay lafdhabarta fahanka Naxwaha, Sarfaha, Sarbeebta iyo Suugaanta.
Baaristu waxa ay timaaddaa markii la helo barid iyo barasho waana in la helaa cilmi iyo aragtiyo, sidoo kalena waxaa muhiim ah in la helaayo Raadraacyo.
Waxa ay sidoo kale sheegtay barbaarinta carruurta in ay tahay asalka iyo halka uu ardaygu kala jaanqaado afka iyo dhaqanka, iyada oo loo baraayo sida ay u kala hooseeyaan tusaale hal codle iyo in ardayda sawirro wax loogu muujiyo si fahanka ardayga loo barbaariyo.
Macallimad Sucaad M. Cabdulle waxa ay baratay culuumta la xiriirta dadka baahiyada gaarkaa qabo iyo sidii dadkaas baahiyada gaarkaa qaba ay qayb uga noqon lahaayeen aqoonta dadka caadiga ah.
Macallimad Sucaad oo ah barbaariso carruurta baahiyaha gaarkaa qaba waxa ay sheegtay in ilmaha lagu barbaariyo asalka iyo waddanka ay ka soo jeedaan taasna waxa keeni kara in ilmaha lagu barbaariyo afkooda hooyo.
Waxa kale oo ay sheegtay in ilmaha qurbaha ku dhashay ay waalidkoodu inta badan ay geeyaan xannaano taas oo ay ardaydu ku bartaan markaaba af qalaad waxa ayna sababtaa kala fogaanshaha waalidkii oo af Soomaali ku hadlaya ah iyo ilmihii oo af kale bartay.
Laylo isxaaq oo ka hadashay Xariirka afka hooyo iyo denbiyada dadka gaysta, ayaa waxa ay tiri mar walba oo waalidka iyo carruurtu aanay xariir lahayn waxaa dhacaysa in ay kala fogaadaan waayo inta badan waxaa dhacda qurbaha in waalidka iyaga oo aan aqoon afka qalaad ilmihii bartaan afkaas, taas oo dhib ku ah xariirka waalidka iyo carruurta.
Waxa kale oo ay sheegtay Laylo, in meesha ay ka baxayso hagiddii iyo barbaarintii waalidka, waayo afkiisii ma garanayo waalidkuna afka canuggoodu bartay isma fahmayaan taasna waxa ay u fududeynaysaa in canug nolosha ka dhacay uu af fahmo ilmihii taasna ay dhibka badiso iyo in canuggii nolosha ka dhaco ama denbiyo galo.
Agaasimaha Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye, Bashiir M. Xersi ‘Ina Cubtan’ oo soo gabagabeeyay ayaa bogaadiyay kaalinta hormarineed ee afkeenna oo ay waqtiga gelisay barbaariso Nimco Nuur. Waxa kale oo uu sheegay habka manhajka ah oo ay u diyaarisay Nimco buuggeeda “Ilays af Soomaali” in ay tahay wax aad iyo aad u qiima badan waxa uu na ku tilmaamay in ay tahay HANNAAN AFBARID IYO HAB NOLOLEED.
Ugu danbayntii waxa uu yiri isaga oo ka hadlaya waxa afkku yahay sidan; af waa erayo iyo weero astaamaysan oo tilmaamaya ujeeddo iyo aragti.
Af si loo helo markii la baarayo waxaa loo baahan yahay oo lagama maarmaan ah in la helo eray ujeed leh oo qeexan. Af si loo helo waxaa muhiim ah afar sheey;
1. Hadal qaabsan (morphology)
2. Codeyn (phenology)
3. Weereyn (semantike)
4. Samatic
Wuxuu ku soo xiray qayb ka mid ah hees uu curiyey ku dhawaad toban sano ka hor, oo la yiraa: Afka Hooyo;
“Afkaaga u hiilli
U hiilli afkaaga
Erayga ugu hiilli
Addinka ugu hiilli
Indhaha ugu hiilli
Arradka ka ilaali
Ku aqri arartiisa
Adeegso tixdiisa
Ku dhigo alifkiisa
Astaan qaran waaye
Ku asal niyaddaada
Afkaagu afkeyga
Miyuu u ekeynoo
Afkeennu mid ahayn
Ishaarada toosan
Waxaan ku iraahday
Waryaada aryaada
Walaalo israacsan
Arboow iyo huunno
Arroow iyo awga
Allow ummaddeyda
Uyeel arag fiican
Haddeer iyo eegga
Afkeenna dantiisa
Inaan u istaagno
Intaan ka awoodno
Ballantu ha ahaato
Ballantu ha ahaato!”
Heesta: Afka Hooyo
Curiye: Bashiir M. Xersi ‘Ina Cubtan’
Mahdin gaar ah:
Weriye sare Sahro Ciidle Nuur oo ka tirsan bahda Idaacadda Maraykanka ee VOA ayaa barnaamijkan xariirisay iyo Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye oo soo agaasintay.
W.Q. Cabdiweli Maxamed Xaashi ‘Xawraay’

Leave a comment