GEENYADII TOOSANE!

GEENYADII TOOSANE!
Dhulku doogsay. Galabnimadan waxaa arlada looga taag waayey haad-haade, roob-la-dhac, goodaaddo iyo garaddax. Waxaa laamaha gogobbada weli dulsaaran dhibcihii ay ku deeqday samadu. Gudda ayeysan weli ka soo bixin jicibtii, caldharkiise laga qaad, oo beryo kaddib ayaa la guran doonaa. Berrinnada kama ay soo bixin gocosadii macaanka badnayd, oo xiita-xiitadu ma ay billaabin dhawaqeedii caanka ka ahaa gawaannada.
Geenyada ayaa cabaysa balliga uu soo buux dhaafiyey gumburigu, gedda kalena waxaa biyaha ka taagan Toosane; wiilkii gooni socodka kala midka ahaa haldhaaga, wiilkii duulin jiray geenyada, wiilkii xarragada badnaa ee dharka ku mayran jiray dabaayoodka, waxa uu duubsanayaa macawistii, qooro sifaysta ahayd, waxa uuna carraabadan isu diyaarinayaa gelbis aroos. Gacal ayaa caawa aroosanaya Xaani Xiindho oo uu ka geeyey lix halaad, qurbac, labaatan iyo labo neef oo ari cad ah, gabbaati, shalmad, duco iyo rati koron ah oo ay reerkeedu dhaansadaan.
Waxa ay sii luuddaba, waxaa galbatay qorraxdii kululayd, oo ka gadaal martay jiiraha, aqalladii gobtuna gudcur ayey galeen. Ubadku waxa ay maqasha iyo edegga ku soo simeen waxarihii. Arigu mirashadii jooji oo waa barqa-dhereg, maqribkii ayaana lagu soo hooyey foori dabacsan, oo waxaa saakaydii hore raacday Foolwacan; inantii fariidda ahayd, luqunta dheerayd, horaaddaha gigsanayd, timaha tidcanayd, dhexdana ku siqirsan jirtay go’a, hayeeshee, durbaba hagoogan jirtay markii ay aragto kurayda iyo geel jirayaasha.
Toosane, wuxuu gabbal-dhicii galabta, hore u sii galbiyey arooskii, siina gaaryey xeradii afaafadka ahayd iyo aqalladii loo diyaariyey arooska, geenyadiisina wuxuu ku xirtay geed u dhow goobta, cad iyo caano, badar iyo barax intaba wuu ka dhergay, geddac ayuuna isu dhigay, isaga oo u dhegtaagaya fooridii Wilisaqada, oo uu doonayo in cawannimadan loo fagaareeyo, oo uu la soo baxo faltankii looga haray.
Foolwacan, iyadu waa ay diidday caawa in ay soo listo caddeyska, oo waxa ay dooneysaa in ay kobaha gacanta ku qaadato, iskuna dhigto dhabbaha, si ay fiidnimo u gaarto barrinnka aroosku ka dhacayo, maadaama la aroosayo saaxiibteed Xaani Xiindho, oo ay soo wada ahaayeen deris, goosadka wada goobta, deyr afaraaddii naqa la wada degay. Koofur ayey afka aaddisay, cagtana wax ka dayday, fiid dambe ayeyna u soo dhigatay aqalladii arooska. Waa ari raac karti badan, taah iyo xanuun toona kuma hayaan wixii qodax ku soo muday dhabbaha, dhexda ayey kaga dhacday cayaarta, kana boodday wilisaqadii uu orka ku soo bixinayey Toosane.
Falxado, waa hooyadii dhashay Foolwacane, waxa ay weli dulfadhidaa soortii, digsiguna waa uu burtuq leeyahay, oo jariirtii weli laguma adkeyn budadii. Falaxado oo tebsan Foolwacan ayna heysato ciidan xumo ba’an ayaa leh “aawday gablan heshadii! Xaggeey aaday, toloow?”.
Faalbarkade, waa adoogii aqalka, isagu dan iyo heello toona kama lahan waxa soconaya, aayar ayuu iska tasbiixsanayaa, una xersi xirayaa intii Alle u tukuta, waxa uu waaga la fajacsanyahay faalkii uu galabta duugay markii uu afyuub ka soo daahiray, ceynsanuhuna tabiyey subayn ambatay, cuqlana isaga u baxay, wax la tus waxa soo socdase garan waayey.
Dhanka kale, wilisaqadii laga daal, raggu waalootame, gaddoon la cayaar, loona nasay cabbaar, si jiibta loogu wada celiyo dhaantadii saqbarka. Foolwacan, waxa ay iyadu sii aadday maygaagta shishe, ee laga tumayo suurowga, ha yeeshee iyada oo yaqsi afka ku heyda ayey ka soo rogmatay, markii wiil u suuroobaya gabar uu golaha ka yiri:
“Saddex walxaatoo ku taal siinka
Kama maarmee yeyga kaa siiya
Labada sinood santuuqooda
Kama maarmee yeyga kaa siiya
Labada saytuun salaaxooda
Kama maarmee yeyga kaa siiya
Adoo sida Saalax wiilkeyga
Kama maarmee yeyga kaa siiya!”
Waxaa la gaaray dhaantadii, waa gole loo gaar yeelay Toosane, isaguna uu isku tooxaariyo, intuu garka salaaxo, is gajaciyo, boorna iska kiciyo ayuu yiraahdaa:
“Aan ku dheelshee
Dhubbado Caliyeey
Soo dhawoow.”
Waa wiilkaas galoolan, ee goluhu u xiranyahay, ee hadba il qooraansanaya gabdhaha u jiibinaya cayaarta, middii cajab gelisana, cabbaar u soo sheekeeya, una sheega in uu aqalkooda ku geyn doono daqiiqado, maadaama uu duuliyo geenyada ugu afar qaadleynta dheer gayiga oo idil. Wixi uu fiirmada ku daalaba, waxa ay dhaayihiisu qabteen Foolwacan, ina Faalbarkade, oo aabbaheed la wada garanayo, iyaduna ah ayaan dhalad curatay god libcas ah, bilashadeeduna aysan la kawsan Maran, loona loogin shar eris. Tartiib ayuu uga xaluushay safka, lana soo wareegtay dhankii dumarka, dhabarkana ka taabtay, Foolwacan, una yiri si suuro leh: “aan soo showrnee, na geey ontorkaas gadaale”.
Hab xishood iyo degganaan leh ayey u raacday, shishana waxa ay ka mareen ontorka, si ay u dugsadaan, uguna dhuuntaan, dhinaca ayey xijiday, go’ana isku qariday, wajigana dadbatay, far yartana qaniintay, tartiibna u qososhay. Wixii erayo la isku tuuro, lana iraaqeysto, isagu faano, iyaduna ajiibto, waxa ay ugu dambayn talo ku soo idlaatay; is af garad.
Amminkii xigay, sidii lagu ballamay ayuu Toosane shanqar li’i u soo abbaaray aqalkii ay ku noolayd Foolwacan, dadbinta gadaale ayuu la soo wareegtay, halkii ay u tilmaamtay ayuuna baaq ahaan lugta kaga taabtay, iyaduna, sidii in ay duurka u xaaja aadeyso ayey horay u sii qaadatay caaggii astajada, dusha ayeyna kaga sii dhacday geenyadii taagnayd lebiga. Lamuu aadin waqooyiye, bari koofureed ayuu afka saaray, kana tallaabay gawaanka. Waa sagaashan tirsiye, waxa uu kala dhex baxay cidaha, lana tiigsaday Sheekh loogu tilmaamay in xariggii uu xiro uusan xeerna furi karin. Qabbiltu, mahar soddon ariya iyo marag shisheeye, duco lagu maamuus, lana yiri maashaa Alle.
Falxado iyo Faalbarkade waxaa soo martay maalin aad u dheer, tashi ayeyna u fariisteen ardaaga aqalka. Falxado waxa ay lugaha u fidsatay dhambal soohid, isaguna minankii faashiga ayuu ka war doonay, faal-abshir ayaase daahiray, nasiibse wuxuu ahaa markii ay dig soo tiri gabadhii ay ka murugsanaayeen arrinkeeda. Meel cabbaar ah ayey isi taagtay, sinahana qabsatay, si dhiirranaan lehna u tiri “Aabbe iyo hooyo xalay ayaa la ila baxsaday, iminkana waan xiranahay!”.
“Waa ina ayo?” ayuu si caro leh u yiri, Faalbarkade.
“Waa Toosane, ina Geedaxaarte”
“Ma Geedaxaartihii, reer Barqa dhaansade?!”
“Haa, aabbe, waa iyaga“.
“Rag baad ii jebisaye, maxaad rag ka garaneysaa! Duf ku bax!“.
Falxado ayaa soo boodday oo tiri “war gabadha ha iga habaarin, adiguba waatii aad ila baxsataye!”. Hooyo weligeedba haddaan soddohnimo sirin, ha laab furan aabbe.
Xaajo ayaa ku cakirantay, Faalbarkade, dantuna waxa ay bidday in uu sugto ergo iyo yarad wixii ay soo bixiyaan reer Barqadhaansade, iyaguna ma ay daahin oo lix cisho dabadeed ayey keeneen saddex halaad oo irmaan ah, afar horweyn ah, saddex qaalmood, baarqab dhabi dhisanaya, kolna jirriqsanaya, geenyadii xamarka ahayd ee Toosane, buntuq, ari cad dureera iyo ido wanankoodii la soo raaciyey iyo go’ shaal ah oo ka dhigan xaal marin. Hooska geedka laguma daahin galabkaas, oo garransigii ayaa ku idlaaday guddoon, Faalbarkadana waxa uu gacan qaaday wiilkii Toosane ahaa, waqtiga ayaa ka dhigay soddog, dusha ayuuna ka sii raacay geenyadii isaga oo jarka ugu haya midigta, bidixdana ku ceshanaya buntuqa.
Dayrtii xigtay, ayaa aqalka loo qotomiyey berrin qurac leh, sidii Gacal iyo Xaani ayaa iyagana kolkooda habluhu ugu baraanbureen dardaarankan:
“Aniga kuma orane, waxey hooyadeed ku tiri
Ha iga guulguulinoo, ha iga hora gubyayn
Haddaad garan weysid, gurigeyga iigu keen!”
Xerta iyo culimaduna waxa ay ardaaga ugu qaadeen xadradiyo salligii Suubanaha (NNKH)
“Kitaab ha la raacdo
Kufaar ha la laayo
Kariimki jideeyow
Caleeyhi salaaam.”
Dumarkuna waxa ay ugu soo af xireen ducadiyo hooheeydii aqal geynta:
“Waan billaaboo bismillaah dheh
Hooheey anna hooyo
Halyey wiiliyo gabar hoodo
Hooheey anna hooyo.”
Dhammaaad.
W/D: Cabdalla Qaasim Daameey
Leave a comment