SODDOH LA WADA SANNIF! Q2AAD

SODDOH LA WADA SANNIF! Q2AAD
Ararta eray iyo afeefta qoraal ka dib, waxaan qeybtan faallo kooban uga bixinayaa gabaga qormada qeybaheeda gunaandka u noqondoona abwaanka curiyey, oo dhab ahaan garashadiisa iyo geesinnimadiisa ay yihiin labo geyiga Soomaali wadagaartay, oo waxaaba kaaga filan, sida uu keli u la noqday, -inta aan dul istaagay- suugaan soddoh ku saabsan.
Abwaan Kulan Xasan ‘Jurun’ waxa uu hilaaddii 1895 ku dhashay degaanka Feerfeer, oo hoostaga magaalo xeebeedka Xarardheer ee gobolka Mudug. Wuxuu ku barbaaray isla degaankaa, oo reerkiisa iyo tolkiisu ku firirsan yihiin.
Abwaan Kulan, isaga oo yar, ayuu suugaan tirinta billaabay, oo sida la weriyo da’diisa oon labaatan gaarin ayuu fagaarasha iyo goloyaasha maanseed ka caan noqdo, isagoon marna la gabban aragtidiisa, oo ay caddayn kaaga filan tahay, geesinnimadiisa iyo kalsoonida oo is ku qabay, marka ay garasho ama curis timaad, oo waa kii Abwaan Faarax Shuuriye, ku dhaliilayey, in uusan kaalintii looga baahnaa ka gelin kulankii Gaalkacyo, una sheegay, haddii ay isaga joogi leheed, in la ka la bixi lahaa, ee uusan madaxa hogteen ama gorodda laalaadsheen sida Faarax yeelay.
Abwaan Kulan wuxuu ka mid ahaa hormuudka gabyaayaasha Soomaalida, gaar ahaan koofurta iyo bartamaha dhulka Soomaaliyeed, oo dhab ahaantii wuxuu ahaa; cabqari, faylasuuf iyo maaniye; maansada iyo guud ahaan suugaanta xeeldheere ku ahaa, oo marka aad dhuuxdo aragtiyihiisa curin, aad hubsan, in uu ahaa jaad ka duwan abwaannada Soomaalida badankood, maxaa yeelay, hab curiskiisa culayska eray marka laga soo tago, waxaa ka sii canaab badan aragtiyaha uu ku gudbinayo, oo mararka qaar aysan keliya ahayn isasaarka, ee ayba ujeeddadu noqonayso mid uu keli la noqonayo.
Wuxuu ahaa gabyaa aad looga hibaysto, oo aan looga dabahadal gabay iyo geeraar, oo wuxuu lahaa indheergaradnimo iyo aragtidheeri, ay u dheereed dhiirranaan iyo dhiraandhirin dhug iyo dhawrasho ku dhigan. In halxiraalihiisii la furi waayey ka sokow, waxaan tusaale mucjiseed u noqon kara gabaygan soddohda ku saabsan, oon dabayaaqada qormada xigandoonno, oo ah gabay, ka bixinayna muggiisa iyo meqaamkiisa dhacdadan.
Curiska guud ahaan; maasno, suugaan, codkarnimo, afhatannimo iwx dhammaan waa la wadawadaagaa, balse, waxa la isdheer yahay, waa indheergaradnimida, fiiradafog iyo fahamka nololeed, dhaqan, bulsho, dabeeco iwm, oo ah waxyaabo badan, oo run ahaantii Abwaan Kulan uu gaar la ahaa, marka aad suugaantiisa si qotodheer u dheehato ayaadna dhugan kartaa, in uu ahaa layaab mar soo maray suugaanta Soomaalida.
Qaybta xigta qormada waxaan ku qaadidhigidoonnaa dhismaha qoysaska, si aan u gaarno kaalinta hooyo/soddoh, una helno halka hooyo laga haleelay marka ay soddoh noqotay ka dib. Micnaha, maxaa ku dhacay, marka ilmaheedii guursadeen, oo dad kale sokeeye iyo shisheeye wax ku darsadeen?.
Fisha qormada qaybaheeda kale.
W/D: Ina CUBTAN
Leave a comment