gabay: Rubacyaleey Curiye: Abwaan Faarax Shuuriye (abwaankii Isbarbardhigga)


Gabay: Rubacyaleey
Curiye: gabyaa Faarax Shuuriye (gabyaagii Isbarbardhigga)

Erayga rubac, ee cinwaanka u ah gabayga macnihiisu waa: halbeeg (cabbir) lagu miisaamo walxaha qaar sida burka, bariiska iqk. Waa cabbir ka weyn tumunka (saddax dalool), kana yar nus kiilada. Waa afar boqol oo garaam haddii caadi loo tireeyo.
Marka gabaygan Rubacyaleey wuxuu ka mid yahay gabayada uu Abwaan Faarax Shuuriye, in uu ku garramay ka sokow, uu haddana, uu ku awood curis sheegtay, marka kalana sidii lagu yiqiin, uu isbarbardhig iyo hogutus ku sameeyey walxo uu isku metaalayo.
Gabaygu wuxuu ku dhashay, abwaan Faarax, oo gabay iyo maanso aan loogu gelin, ee lagu qaddariyo, in uu yahay hormuud maanseed awgeed, ayaa wuxuu maqlay rag yaryar oo cidda dhexdeeda gabayo ka tiriyey, may ka tuurtuura.
Rag-isgurahayee, libinna qofna kuu ma oggolee, gabay ka tirin reerka dhexdiisa ka sokow, waxaa meerisyada gabayadaa qaar ku jiray kuwo la isku dhirinayey abwaan Faarax ama durid u muuqanayey, oo in hortiisa ay ka tiriyaan iskadaaye, aysan xitaa ku dhiceyn, in ay si qumman xitaa gabay u mariyaan.
Ragrif iyo ruufiyaan rijaal laga ma dhexwaayee, abwaan Faarax markii uu shuxshuxdooda maqlay, ayuu isaga oo u digaya, marna u gooddinaya kuwaa gabayga ku rafanaya, ee Ra’leyda maanso ka heysta wax rubuc la eg, in ay iskadaayaan, oo ay uga dambeeyaan ragga loogu deeqay, deeqsiinteedana ku dhaata.
Abwaan Faarax, calanka u siday gabay dhihiddii iyo maanso dhisiddeed, ahaana horseedka gabyaaga waagiisii, ayaa wuxuu ku leeyahay nimankaas gabayga la dhuumaalaysanaya: idinka oo deeq gabay iyo deel maanso ka haysta waxa qofku uu cabbirka nololeed ka haysto oo kale hal rubac, ha soo hawoonnina, in aad gabay tirisaan.
Dhanka kale, waxaa tusaale dhaqan ah, in abwaan Faarax uusan qofna magacaabin, iyada oo ay u badan tahay, in uu magacyada dadka qaar maqlay ama ugu yaraan tuhunsanaa, ama ay dhici karto, in ragga qaarkood uu hadal toos ah dhexmaray, haddana, abwaan Faarax ma magacooda ma sheegin mana xusin tilmaamo lagu garan karo.
Marka waxaan ku talinaynaa, in dhacdooyinka, arrimaha iyo isqabadka dadka laga yareeyo ama laga daayo inta la awoodo magacdhebidda iyo qofeynta, maxaa yeelay, marar badan waxay dhaawacaysaa iskuxirka qoysnimada, tolnimada, beelnimada ama bulshonimo.
Abwaan Faarax Shuuriye wuxuu gabayga Rubacyaleey ku yiri sidan:
“Ra’da gabay rijaaley beryahan, run u ma luuqeyne (1)
Waataanan maansada rogrogin, rodolladeediiye
Ha yeeshee anaan rabin inaan, dhab u riddeeyaaye
Mar haddaan rakaabada u xiro, sida gammaan roori
Oo aan soo ruqaansado anoo, xiiso(2) ruxruxanaaya
Rigta waxaan u yeersiinayaa, sida rasaaseede
Aan rabbeeyo beydgaabku waa, erayo riiqdaaye.
Riikaha maroodiga u weyn, reydabkuu jabiyo
Waxey raxantu uga leexataa, ineysan riixeyne
Reedaha saraa laga maraa, lebi ruktuu yaale
Riimaha libaaxuna hadduu, raq iyo dhiig haysto
Ruuxiisa mooyee wax kale, ka ma rudaayaane (3)
Nin cilmiga ku raagee bartana, xaqa hadduu raadsho
Ra’yi gaabtu wey uga hartaa, rubacyaleydaaye
Anigana ra’daan dhigo haddii, rag isku maangeysto
Rabta lagama liiliijin karo, waana raar culuse
Qofkaan gabayga ii reebinnina, wow ra’yi la’aane
Hayeeshee ragow taa ninkii, ribiyo been mooda
Meeshaan ku riixuu ogaan, sida ragaadkiiye.”
Dhammaad.
Erayfur:
(1) Rodol: Qalab wax lagu cabbiro.
(2) Erayga ‘geyr’na waa la weriyaa.
(3) Rudid; cunid.
Tifaftirid: Ina Cubtan
Mahdin gaar ah; Abwaan Maxamad Xuseen Faarax.
Leave a comment