Gabayga: SODDOH Curiye: Abwaan Kulan Xasan ‘Jurun’


Gabayga: SODDOH
Curiye: gabyaa Kulan Xasan ‘Jurun’

Soddoh waa hooyada gabadha ama wiilka isqaba ee guri yagleesha midkood dhashay. Dhaqan ahaan aadanaha waxay u soddohdu tahay tiir iyo tayo, marwonimo keliya ma ahan ama waayo’aragnimeeda da’, ee waa in qofkan nolosha lala qaybsanayo ay ifka keentay; hooyo.
Waa aragti ay dhaqamada iyo diimuhu sii xoojiyeen, haddana, aadane is-afgaranwaa iyo qabdhaafay ka ma dhammaadee, marar badan soddohdu (hooyada labada dhammaane midkood dhashay) waxay dhexda ka gashaa ama u gudubtaa faragelin ka sokow hirgelinta howlo aan u ool ama ay uga filnayd talo dhiibasho, haddana isdiidkan iyo dhaqan talin jecaylka raggu ma lahan marka ay timaad lammaanaha isqaba, oo soddoggu badanaa meel lagu haaraamayo arki maysid, oo haddii uusan xoog noqon karin, maliiqdiisa ayuu dul waran.
Soddohda ayaa kala ehe, midda dhashay wiilka ayaa sii daran, oo waxay badi madaxa isla galaan gabadha uu qabo wiilkeeda, iyada oo xurguf ama xanaaq ama xaasidnimo mararka qaar waxay keentaa, in gurigii u dumo dan la’aanta soddodaa, maxaa yeelay, ma ay garan, in ay teeda ka maaraysato, haddaan mudnaan laga siin maamulidda gurigan, oo ah wax aysan gar u lahayn.
Gabayga ujeedkiisa ayaa ah, in Abwaan Kulan qofka uu gabayga ku la hadlayo ay tahay xaas uu qabay, lana dhihi jiray Suubban Cigaal Caalin ‘Dhegood’ Sacad reer Hilowle ahayd, una dhashay wiil (Maxamad) oo aan ilmo ka tegin. Abwaanka oo safar aaday markii uu soo laabtay ayaa wuxuu u yimid xaaskiisii oo didsan.
Abwaan Kulan wuxuu iskudayey, in uu ka qanciyo in aysan jirin waxaa ay waddo ama isdareensiinee, ee masayarka geliyey. Dhanka kale, gabaygan Abwaan Kulan wuxuu xaaskiisa ka waaniyey in ay dhibto ama dhibsato hooyadiis, oo malaha ahayd dhibaatada dhextaallay qayb ka mid ahayd, oo sida laga dheehan karo gabaygaa ah; luq hore ayaa laqanyo kicisa.
Dhanka kale, gabaygan Soddoh waxaa u maragfuraya gabay oo kale la yiraa: Masayr, oo markii uu ka daalay, si ksata ee uu yeelayna uu maaro u waayey, ayuu sidan dareenkiisa ku cabbiray, isaga oo wiilkiisa u sii digaya lehna; ogow ku ma dayicidoono mana ahan in aan inta kaa tago dumar kale awgood aad ii weyn doontide, oo kalataggoodu hadduu dhaco uusan isagu sabab u ahayn ee uu xal walba isku dayey. Wuxuu ku yiri gabaygaa:
“Haddiise Maxamedow(1) hooyadaa(2), laga miciin waayey
Maslaxaad islaannimana ay, meel ka gali weysay
Sheydaan inuu maamulaan, muran ka taagneyne
Markab bira Alle ha kaa dhigiyo, munawarkiisiiye
Adigoon madluun noqon haddana, murogo ciil ooyin
Maandhow maggaaw(3) caanahaan, kugu miraa(4) caawa.”
Wuxuu caddaynayaa Abwaan Kulan kuna wargelinayaa wiilkiisa Maxamad, in uu barbaarin doono quudintiisana uu u taagnaa doona har iyo habeen, oo ka dhigaysa in wiilkiisu markaa yaraa, oo ah dhaqan ahaan arrin suubban, haddana aan badi raggu yeelin, in uusan yeelan ka sokow, oo marka ay xaaskooda kala tagaan ilmaha ku dayrsha oo dabagal iska daaye aan sidaa u danayn.
Suldaan Maxamad Xaashi Xasan Maxamad Cailmi oo ka mid ah nabaddoonnada Xasan Samodoorte ee uu ka dhashay abwaan Kulan ayaa ii sheegay, in uu la kulmay Suubban Cigaal Caalin ‘Dhegood’ oo ay u sheegtay, in markii gabayga ay ka maqashay Abwaan Kulan, in ay xaqiiqsatay saddax arrin midkood; 1) in la furi rabo 2) in haddii la furo wiilka laga reeban doono 3) in ay ehlunaar noqonayso, maqaalifinimada awgeed, waa haddii sidan ay ku kala tagaane, sida ay hadalka u dhigtay.
Gabayga Soddoh waxaad ku heli doontaan qormo dheer oo aan aqoonbaaris iyo ogaalwarin ugu samaynnay ku saabsan soddoh, maadaama ay tahay soddoh arrin iyo mawduuc in aan wax laga qorin ka sokow, haddana aanba wax badan laga dhihin; maanso ama mahmaah.
Waxay ku jirtaa mawduucyada laga caagganaa, ee aan sidaa loogu dhiirran karin, balse, abwaankii halxiraalaha Kulan Xasan ‘Jurun’ isagu waa kan ku dhiirraday, welibana maalminta maansada u reebay gabayga keli ah ee la cuskan karo marka xigasho xusuuseed la baarayo ku saabsan soddoh.
Gabaygii Soddoh waa kan, oo abwaan Kulan Xasan Jurun ‘Abwaankii Halxiraalaha‘ wuxuu leeyahay:
“Hooyadii i dihatee haddana, naaska ii dadabtay
Misna duudka igu qaadday ee, daqayda aan gooyey
Oo dacalka meeshaan dhigaba, marada duubaysay
Ee daanka ii buuxisee, duunyana i siisey!
Darajada ay leedahay intey, duridba (duriddeed) soo dhaaftay
Qofta haatan waa dili i tiri; Daallideey maaha!
Xaquse waa dayuurade haddaad, dunida sii joogto
In ay Maxamad naagtii ku dili, maa isaga deydid?!”
Dhammaad.
Tifaftirid: Bashiir M. Xersi ‘Ina Cubtan’
Mahdin gaara:
Suldaan Maxamad Xaashi Xasan Maxamad Cailmi, abwaanad Xasiino Faarax Cabdi iyo Abwaan Maxamad Xuseen Faarax.
Erayfur:
(1) Wiil uu dhalay abwaan Kulan
(2) Xaaska uu qabay abwaan Kulan: Suubban Cigaal
(3) Maggaaw; maggaabo: cantuugo. Kabbasho xooggan.
(4) Mirid: cunto qofka u\loo soo koco hurdo dabadeed.
Leave a comment