Gabayga: Guudkii Hiraab Curiye: Abwaan Faarax Shuuriye

Gabayga: Guudkii Hiraab
Curiye: gabyaa Faarax Shuuriye


Gabayga ‘Guudkii Hiraab’ wuxuu ka mid yahay gabayada abwaan Faarax Shuuriye, kuwooda ugu miisaanka culus, uguna saamaynta badan. Wuxuu ka curiyey shibbane ka mid ah shibbanayaahsa af soomaaliga maanso ahaan ugu dhadhan iyo dhisme adag. Shibbanaha ga’da.
Dhanka kale, Gabayga ‘Guudkii Hiraab’ sida abwaan Faarax Shuuriye looga bartay, aniguna aanba tilmaam ka sokow, aan naynaas iyo uga dhigay summad, wuxuu ku adeegsanayaa ISBARBARDHIGYO mug iyo macno weyn leh, isaga oo si qotodheer ugu fogaaday ekaysiinta iyo metelaad uu hogotusmeynta ugu soo qaadanayo.
Sida aan ku sheegnay gabaygii: ‘Rubacyaleey’ oo sababtiisu ahayd, in qolyo magacooda qariyey, in ay damceen, in ay gabay ama maanso ku duraan abwaan Faarax Shuuriye, markaasna uu isaga oo u caqlicelinaya ayuu abwaan Faaarx ku yiri:
“…..
Nin cilmiga ku raagee bartana, xaqa hadduu raadsho
Ra’yi gaabtu wey uga hartaa, rubacyaleydaaye
Anigana ra’daan dhigo haddii, rag isku maangeysto
Rabta lagama liiliijin karo, waana raar culuse
Qofkaan gabayga ii reebinnina, wow ra’yi la’aane
Hayeeshee ragow taa ninkii, ribiyo been mooda
Meeshaan ku riixuu ogaan, sida ragaadkiiye.”
Marka hore, inta aannaan u gelin sababta gabaygan keentay, aan faalleynno magaca beesha ku soo arooray gabayga, ee uu ku xusayo abwaan Faarax Shuuriye, oo ah Hiraab. Haddaba, Hiraab waa mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn, uguna saamayn badan dalka, farac ahaanna ku abtirsada Gorgaarte Hawiye.
Hiraab wuxuu dhalay afar wiil oo walaal ahaa, oo lagu kala magacaabo: Madar Kicis Hiraab (Habar Gidir), Maxamuud Hiraab (Duduble), Muddullood Hiraab iyo Martiile Hiraab (Sheekhaal), faracoodana ay ka falliirmeen dad magac iyo boqortooyo ku yeeshay geyiga Soomaalida.
Degaan ahaan beesha Hiraab waxay degaan dhul weyn oo ballaaran, oo waxay ku firirsan yihiin baaxadda dhulka Jamhuuriyadda Federaalka ah ilaa iyo Soomaali Galbeed iyo NFD.
Markanna waxaan faaqideynaa sababta gabayga curintiisa lahayd, oo sida halbeegga iyo meerisyadaba aad ka garandoontaan ay ahayd, in qof magaciisa qariyey uu u gabyey beesha Hiraab, weliba uu waxoogaa jareexo ama dhaleecayn ah la doontay.
Markaa ayaa abwaan Faarax Shuuriye, oo xilliga gabayga uu curinayo ku sugnaa magaalada xeebeedka faca weyn ee Xarar Dheere, wuxuu maqlay hadallada xanafta leh ee loo jeediyey beeshiisa Hiraab, maadaama uu abwaan Faarax Shuuriye u dhashay beesha Maxamad Madar Kicis (Cayr).
Abwaan Faarax ma ahayn nin aragti iyo la gabbada hadale, waxaa u cantami waayey qofka gabayga liidan oo af ahaan iyo dhisme midna u qummanayn tiriyey, haddana, ku aflagaaddeeyey beel uu in uu tol ahaan ku abtirsada ka sokow, haddana, uu ku tiirsan yahay, iyaguna tirsada.
Labadaa markii ay isu qaban waysay abwaan Faarax Shuuriye, ayuu wuxuu tiriyey gabaygan qaraweynida ay u dheer tahay qiimiga afeed iyo eray ee ku jira, oo galay taariikhda, oo ah gabay mudan, in lagu keydiyo xarumaha afka, siiba kuwooda maansada daryeela ama daneeya.
Abwaan Faarax Shuuriye gabaygan wuxuu ugu gooddiyey, si qofka maqla, ay isla markiiba dareen cabsi ah u gasho, oo ku tusinaysa culayska erayada uu doortay iyo isbarbardhigyada uu ku qotomiyey, si uu gudbiyo farriinta uu rabo, ee uu u gudbinayey dadka hadaaqa u gabyey.
Marka uu abwaan Faarax Shuuriye maska iyo micidiisa, libaaxa iyo gawriirsigiisa, badda iyo mawjadaheeda, geesiga iyo dagaalyahanka waranka wata iyo ninka toogashada u xiran, ee cabsida la lowlabaya, oo dhammaantood dadkaas uu abwaan Faarax leeyahay waxay halis ugu jiraan, in ay naftu uga baxdo qatarta ay ku dhexjiraan awgeed, haddaan Eebbe ku galladin badbaadadiisa, taana waxaa la mid ah, qofka u bareeray, in uu u gabyo guudkii Hiraab isaga oo aan geeri ku ogeyn abwaan Faarax, in uu ku sugan yahay qatar u dhiganta ama ka daran taas.
Marka abwaan Faarax Shuuriye wuxuu ku yiri gabaygii: ‘Guudkii Hiraab’ sidan:
Mas galaalan, good laba afloo, ganaya waabaayo
Abris ninuu god uga soo baxoo, micida gaarsiiyey
Gallad Eebbe mooyiyo inuu, uga gargaaraaye
Sow in uu go’aa la ma ogoon, galawdu raageynin?!
Nin libaax ku gowriirsadoo, garabku hooseeyo
Oo guudka kala saaran yahay, miciyo gaalleefa
Haddaan guutadiisii ka celin, gucumaloow aarka
Sow in uu go’aa la ma ogoon, galawdu raageynin?!
Baddu nimey la guurton aqoon, gudubtin loo dhaafo
Oo xiisku gaaddada marshoo, gebiga dhaafsiiyey
Gallad Eebbe mooyiyo in uu, uga gargaaraaye
Sow in uu go’aa la ma ogoon, galawdu raageynin?!
Gaashaan nin qaatee haddana, goddimo soo soofaystay
Oo geesi maarrale(1) qabsaday, galab dagaal joogo
Gumucii rasaaseed hadduu, liifka ugu gaabsho
Gallad Eebbe mooyiyo inuu, uga gargaaraaye
Sow in uu go’aa la ma ogoon, galawdu raageynin?!
Nin ugaas guddoonshoo qasqaas, galabta loo dhiibey
Oo godobta nimankuu ka galay, gacanta loo saaray
Gardaduubna loo sii wadee, lagu sineyn geedka
Gallad Eebbe mooyiyo inuu, uga gargaaraaye
Sow in uu go’aa la ma ogoon, galawdu raageynin?!
Anigana garaadlaha ku nool, geyiga soomaali
Goob kastaba ha joogee’e wey, gedo yaqaannaaye
Guudkii Hiraab nin u gabyoon, igu ogaan geeri
Oo caalimkeennii Gobaad, hadal ku guulguuley(2)
Gujaalaan ku ridi ee muxuu, libin ahuu gaarey?!”
Dhammaad.
Erayfur:
(1) Maarre: qori ka mid ah qoryihii ee hal keligi loo ridi jiray.
(2) ‘Hadallo gaarsiiyey’ ayaa iyana la weriyaa.
Tifaftirid: Bashiir ‘Ina Cubtan‘
Mahdin gaar ah; Abwaan Maxamad Xuseen Faarax.
Leave a comment